In ka badan 200 qof oo ilaa iyo hadda ku dhimatay dhulgariirkii Syria

0
277

Ugu yaraan 237 qof ayaa ku dhintay halka 639 ay ku dhaawacmeen dhulgariirkii xoogganaa ee saaka ka dhuftay dalka Syria.
Waxaa sidatan laga soo xigtay wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi Axmad Dhamiriyeh oo la hadlay taleefishinka qaranka ee wadankaasi.
Dhulka Syria ee uu saameeyay dhulgariirka ayaa u kala qaybsan goobaha ay gacanta ku hayaan dowladda iyo mucaaradka.
Mucaaradka Syria ayaa ku tilmaamay dhulgariirkan xaalad musiibo ah.
Waxaa ay intaasi ku dareen in dhismayaal badan ay soo dumeen, dadkuna ay ku hoos jiraan burburka hoostiisa.
Dhulgariirka ayaa sidoo kale saameeyay koonfurta dalka Turkiga oo daris la ah wadanka Syria.