Ugu yaraan 76 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhulgariir uu cabbirkiisu yahay 7.8 oo saaka saameeyay koonfurta dalka Turkiga oo daris la ah wadanka Syria.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawaca uu kor u dhaafaya 440 oo ruux.
ku dhawaad 18 kiilomitir dhul ballaciisu yahay ayaa la sheegey inuu saameeyey dhul gariirka.