Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 14 ruux halka 13 kalena ay dhaawacmeen ka dib shil abaare 10-kii habeennimo ee xalay ka dhacay waddada u dhexeysa Lodwar iyo Kakuma oo ka tirsan ismaamulka Turkana.
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee bartamaha Turkana Lemmy Njiru .
Shilka ayaa yimid ka dib markii baabuur ay dadkan saarnaayeen uu waddada ka baxay .
Darawalka oo da’diisu lagu sheegay 33 sano jir ayaa xakameyn waayay gaariga xilli uu isku dayeyay inuu ka leexdo geel jidka gudbayay.
Baabuurka oo ku wajahnaa Kakuma ayaa gadoomay ka dibna god ku dhacay halkaasi oo ay ku nafwaayeen 14 rakaab ah.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa barta Twitter-ka ku sheegay in baabuurka shilka galay uu ahaa mid xamuul siday sidoo kalena ay rakaab saarnaayeen.
NPS ayaa intaasi ku dartay in gaariga uu soo gaaray burbur xooggan.
Dhaawacyada oo ah kuwo culus ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka magaalada Lodwar ee ismaamulka Turkana .
Meydadka 14-ka qof ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalkaasi.
Ciidamada booliiska oo gaaray goobta uu shilka ka dhacay ayaa baabuurka u jiiday dhanka saldhigga booliiska ee Lodwar si baaritaan dheeraad ah loo sameeyo.
Saraakiisha ammaanka ayaa wadayaasha baabuurta ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan oo ay u hoggaansamaan xeerarka taraafikada.
Dadka shilka ku dhintay ayaa isugu jiro saddex rag ah, Siddeed haween iyo saddex wiil.
Barasaabka ismaamulka Turkana, Jeremiah Lomorukai ayaa tacsi u diray qoysaska ay eheladooda shilka ku nafwaayeen.