Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka Didmus Barasa ayaa shir jaraaid oo uu shalay qabtay ka sheegay in uu muddo afar bilood ah muujin doonin firfircooni siyaasadeed.
Waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Xilli uu abaare 12:30 duhurnimo ee maanta uu warbaahinta kula hadlay tuulada Nasianda ee deegaanka laga soo doortay ayuu sheegay in uu diiradda saari doono dhameystirka fulinta ballanqaadyadii horumarineed ee uu shacabka u sameeyay xilligii doorashada.
Sidoo kale mudadan ayuu u adeegsan doonaa in uu la xiriiro oo uu wada tashi la sameeyo siyaasiyiinta gobolka galbeedka Kenya ee kala ah Mukhisa Kituyi, Wafula Wamunyinyi, Moses Wetang’ula iyo Musalia Mudavadi.
Wada tashiyadan ayuu tilmaamay in looga gol-leeyahay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa madaxda siyaasadeed iyo isku keenidda shacabka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xildhibaanka Kimilili oo sheegay in uu afar bilood ka nasan doono siyaasadda