Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Askar katirsaneyd ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo horay dilal ugu gaystay Askar kale oo ay shaqo wadaag ahaayeen.
Afar askar ayaa lagu toogtay fagaaraha Iskuul Buluusiya, waxaana lagu kala magacaabi jiray:
1- Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA katirsanaa.
2- Cali Maxamuud Xuseen oo Militariga katirsanaa.
3- Cabdirisaaq Axmad Mukhtaar oo Boliiska katirsanaa.
4- Maxamad Nuur Sheekh Warre oo isna Boliiska katirsanaa.
Dhammaan waxay horay u dileen Saaxiibbadood Shaqa wadaaga ay ahaayeen, sida ay sheegtay Maxkamadda ciidamada qalabka sida.
Home Wararka Soomaaliya Dil toogasho ah oo saaka lagu fuliyay askar katirsaneyd dowladda Soomaaliya oo...