Imtixaannada qaran ee KCPE-da oo maanta billaabanaya

0
417

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga billaabanaya imtixaannada qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano KCPE-da.
Sanadkan waxaa imtixaanka sameynaya arday tiro ahaan dhan 1,191,725 .
KCPE-da ayaa lagu sameyn doonaa 28,467 xarumood guud ahaan dalka.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in Jimcaha oo ay taariikhdu tahay 26-ka bishan uu billowdo imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da oo ay sanadkan u fariisanayaan 752,981 oo arday ah.
Imtixaanka KCSE-da waxaa lagu sameyn doona 10, 437 sida laga soo xigtay golaha imtixaanada qaran ee KNEC oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka.
Waa markii ugu horreysay oo imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah ay ardayda sameynayaan bilooyin aan ahayn 11-aad iyo 12-aad sidii caadiga ahayd.
Isbeddelkan waxaa horseeday cudurka COVID-19 oo tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii hore carqaladeeyay habsami u socodka howlaha waxbarasho ee dalka.
Maalinkii Jimcaha ee la soo dhaafay ayay ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe sameyeen diyaar garowgii ugu dambeeyay waxaana si gaar ah xoogga loo saaray ilaalinta tallaabooyinka caafimaad ee lagu xaqiijinaya badqabka ardayda iyo macallimiinta maareynaya imtixaanaadka.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ardayda guul u rajeeyay ayaa ugu baaqay in aynan ka tanaasulin ka dhabeynta riyooyinka iyo himilooyinka ay qabaan.
Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa ardayda ku ammaanay in ay imtixaanka isku diyaariyeen iyada oo ay jiraan xaalado adag.
Mudavadi ayaa arday kasta kula taliyay in uu dadaalkiisa muujiyo isagoo xusay in geesinimada qofka la ogaado marka ay xaaladdu adag tahay.
Wuxuu intaa ku daray in waalidiinta iyo macallimiinta ay ardayda ku xisaabtamayaan oo ayna uga fadhiyaan natiijo wanaagsan.
Wasaaradda waxbarashada waxay dhankeeda ardayda u xaqiijisay in imtixaannada qaran si caddaalad ay ku dheehan tahay loo maareyn doono sidoo kalena su’aalaha aynan ahayn kuwo ka baxsan casharradii ay ardaydu qaateen.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee Kenya Prof. George Magoha ayaa sheegay in aynan jirin wax warqad imtixaan oo la helay ama cid loo dusiyay isagoo ardayda imtixaanka sameynaya uga digay in ay khiyaano ama xatooyo isku dayaan.
Magoha oo saaka kormeeray qaybinta waraaqaha imtixaanka ee KCPE-da ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu xusay in ay jiraan labo arday oo imtixaanka ku sameyn doono isbitaalka.
Xoghayaha sare ee wasaaradda waxbarashada u qaabilsan dhanka maamulka Xasan Nuur ayaa isna tagay ismaamulka Garissa si uu ula socdo howlaha imtixaanka.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Nancy Macharia ayaa sidoo kale ku sugan dowlad deegaanka Kisumu waxayna kormeer ku sameynaysaa imtixaanka maanta billaabanaya.
Wasaaradaha kala duwan ee dalka si gaar ah kuwa tacliinta iyo arrimaha gudaha ayaa iska kaashanaya xaqiijinta in ardayda ay imtixaanka ku sameyaan jawi deggan.
Ardayda ayaa imtixaanka sameynaya iyada oo si weyn loo raacaya talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee ku aaddan la tacaalidda cudurka COVID-19 sida kala fogaanshaha, isticmaalka afduubka iyo gacmo dhaqashada.
Guud ahaan waxaa sanadkan imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah sameynaya 1,944,706 oo arday ah.