Waaxda socdaalka oo laga billaabo berri yarayn doonto howlaha baasaboorka

0
793

Waxaa berri oo Isniin ah dhaqangalaya go’aan ay maalmo ka hor ku dhawaaqday waaxda socdaalka ee dalka.
Waaxdan ayaa sheegtay in iyada oo loo aaneynaya sare u kaca ku yimid xaaladaha cudurka COVID-19 ee dalka la yareyn doono adeegyada ku saabsan bixinta baasaboorka wadanka.
Qoraal ay waaxdan soo saartay 19-kii bishan ayaa lagu xusay in tallaabadan looga gol-leeyahay xaqiijinta badqabka shaqaalaha iyo macaamiisha.
Cid kasta oo horay isku diiwaangelisay in ay berri baasaboor xaraysato ama faraha laga qaado waxaa u soo dhici doonto farriin gaaban oo ku wargelinaysa in ay codsi kale sameyso.
Sidoo kale shakhsiyaadka qorsheystay safarrada degdegga ah ayaa lagu wargeliyay in ay la xiriiraan xarunta waaxda socdaalka ee Kenya.
Agaasimaha guud ee waaxda socdaalka ee dalka Alexander Muteshi oo bayaankan saxiixay ayaa ka raaligeliyay cid kasta oo ay saameyn doonto.