Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay u diyaargarowgii imtixaanka qaran ee shahaadiga ee dugsiga hoose dhexe ee KCPE-da.
Ardayda fasalka siddeedaad ee dugsiga hoose dhexe ayaa imtixaanka qaran ee shahaadiga ee KCPE-da si rasmi u fadhiisan doono maalinka Isniinta ee toddobaadkan.
Mr. Magoha oo shalay ku sugnaa dugsiga hoose dhexe ee Kakamega xilli u qiimeynayay u diyaargarowga imtixaanka KCPE-da ee ardayda iskuulkaasi ayuu ku booriyay dhamaaan ardayda sameenaya imtixaanka inay u hoggaansamaan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee lagu xakameynayo cudurka Covid-19.
Waxaa uu sidoo kale uga digay iskuullada sida gaarka loo leeyahay inay lacag ka dalbadaan ardayda imtixaananadka sameynaya.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay bixisay kharashaadka ku baxaya imtixaannada qaran ee shahaadiga ee iskuullada dowladda iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay.
Waxa kale oo uu ka digay xatooyada imtixaannada isagoo sheegay in talaabo adag laga qaadi doono iskuul kasta oo lagu helo inuu ku lug lahaado arrinkan.
In ka badan 1.1 milyan oo arday ayaa sanadkan u fadhiisan doonto imtixaanka KCPE-da ee fasalka siddeedaad iyagoo ku sameyn doono 10,000 xarumood.
Home Wararka Kenya Wasiirka waxbarashada oo sheegay in u diyaargarowga imtixaanka KCPE uu soo gabagaboobay