Haweeney ku guulaysatay xilka senetarnimada ee Machakos

0
680

Musharraxa Xisbiga Wiper Agnes Kavindu Muthama ayaa ku guuleysatay doorashada ku celiska ee senetarka dowlad deegaanka Machakos.
Mrs Kavindu ayaa waxay heshay wadar ahaan 104,352 cod halka musharraxii UDA oo si weyn ula tartamayay Urbanus Muthama Ngengele uu helay codad dhan 19,726.
Dadka u soo baxay doorashadii maalin ka hor ka dhacayday Machakos ay ahaayeen boqolkiba 21% iyadoona ay is diiwangaliyeen 623,536.
Codeynta ayaa ka dhacday 1,335 goobood.
Guusha Kavindu ayaa hadda u muuqata inay cadeyneyso saameynta siyaasadeed ee hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ee gobolka Ukambani.