Maxay yihiin qodobbada looga hadlayo shirka ka furmaya Baydhabo?

0
275

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu ka furmo shirkii dib u heeshiisiinta ee toddobaadyadanba ay socotay qaban-qaabadiisa.
Wararka ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gaareen inta badan madaxda iyo mas’uuliyiinta shirkaasi lagu casuumay, halka inta dhimanna la filayo in ay isla maanta halkaasi gaaraan.
Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in furitaanka shirka maanta uu ka qaybgalo madaxweynaha wadanka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka, Yuusuf Xasan Isaaq ayaa warbaahinta u sheegay in shirka uu socon doono ku dhawaad labo toddobaad.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhammaantood siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed inay ka qaybgalaan shirka dib u heshiisiinta.