Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la sheegay inay burburiyeen labo gaari oo Shabaab qaraxyo ku diyaariyeen

0
276

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa macaawisleyda ayaa burburiyay labo gaari oo la sheegay inay Al-Shabaab qaraxyo ka soo buuxiyeen.
Waxaa ay ciidamada howlgalkan ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna saraakiisha ciidamada sheegeen in Al-Shabaab ay qorsheynayeen inay weerarro ka fuliyaan gobolkaasi.
Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay Al-Shabaab uga daba tageen duurka, iyagoo sheegay gawaari shacabka laga dhacay in kooxdan u adeegsanaysay qaraxyo dadka lagu dhibaateeyo.
Waxaa ay ciidamadu sheegeen in qaraxyadan la doonayay in lala beegsado meelaha ay dadka shacabka ah ku sugan yihiin, iyagoo sheegay inay ku guulaysteen inay uga daba tagaan goobihii lagu diyaarinayay labada gaari ee qaraxyada lagu xiray.
Dhawaan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen farriiisin ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Hilowle Gaab, halkaas oo ay ku dileen ciidamo iyo saraakiil dhowr ah.
Maalmo ka dib ayay Al-Shabaab soo bandhigeen gaadiid dagaal iyo hub ay ku furteen saldhigga ay weerareen.