Gachagua oo ugu baaqay howlwadeenada gadiidka PSV iyo milkiilayaasha baararka inay iska indhatiraan awaamiirta Sakaja

0
300

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa ugu baaqay milkiilayaasha baararka iyo madaxda shirkadaha gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano PSVs ee ka howlgala bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi inay sii wataan ganacsigooda oo ay iska indhatiraan awaamiirta uu soo saaray barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Rigathi Gachagua iyo guddoomiyaha Nairobi Johnson Sakaja ayaa khilaaf soo kala dhex galay ka dib markii uu barasaabka magaala madaxda wadanka uu shaaciyay inuu jiro qorsho lagu yareynaya ciriiriga dhanka isku socodka gaadiidka ee ka jiro gudaha magaalada gaar ahaan baartamaha caasimadda ee CBD.
Hasa ahaatee, madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid aan macquul ahayn.
Waxaa uu xusay in guddoomiyaha ismaamulka Nairobi looga baahan yahay inuu la tashiyo sameeyo ka hor inta uusan shaacin go’aanno dhaawacaya ganacsiga dadweynaha.
Mr. Gachagua ayaa intaasi ku daray in Sakaja looga baahan yahay inuu ixtiraamo ganacsiga magaalada oo ay leeyihiin dadka ka soo jeeda sida uu hadalka u dhigay gobolka bartamaha wadanka.
Waxaa uu sidoo kale dhaliilay tallaabadii guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ku sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadayo qaar ka mid ah goobaha lagu caweeyo, kuwaas oo lagu eedeyay sawaxan saaid ah oo ay dadweynaha dhibsadeen.