Madaxii hore ee cadaaladda dalka ,David Maraga ayaa maanta loo dhaariyay guddoomiyaha guddi loo xil saaray inuu ka shaqeeyo sida lagu wanaajin karo daryeelka ciidamada booliiska iyo saraakiisha waaxda asluubta.
Maraga ayaa lala dhaariyay 22 xubnood oo kale oo guddigan qayb ka ah, oo bishii hore uu soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa Maraga ku xigeen u ah Carole Kariuki.
Xubnaha guddigan ee uu hoggaaminayo Maraga ee maanta la dhaariyay ayaa kala ah, ku xigeenkiisa Carole Kariuki, Moffat Kangi, John Ole Moyaki, Ibrahim Jillo Guyo, Richard Kirundi, Elizabeth Mueni , Roseline Odede ,Joash Odhiambo Dache, Doreen Muthaura, Albert Mwenda, Terry Chebet Maina, Xasan Sheekh Maxamad ,Simiyu Werunga, Mutuma Ruteere , Anne Ireri, Stephen Kayongo, Jacfar Maxamad ,Sammy Chepkwony, Khadija Mire iyo xoghayeyaasha kala ah Omwanza Ombati, Joy Mdivo Masinde iyo Rosemary Kamau.
Munaasabadda dhaarintooda ayaa waxaa goobjoog ka ahayd guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ahna madaxa cadaaladda ee Kenya Martha Koome.
Xubnaha uu hoggaamiyo Maraga ayaa laga doonaya inay soo saaraan caqabadaha dhinaca sharciga , maamulka iyo siyaasadda ee ku gadaaman adeegyada ay booliiska iyo ciidamada asluubta u fidiyaan qaranka.
Ka dib marka ay baaritaannada iyo dib u eegista sameeyaan ayaa laga doonaya inay dowladda u soo jeediyaan talooyin wax looga beddelo karo xaaladaha shaqo ee saraakiisha ammaanka.
Guddi ayaa eegi doono arrimaha shaqaaleysiinta , siyaabaha saraakiisha looga beddelo meelaha ay ka howlgalaan, tababarrada , dallacsiinta, sare u qaadidda xirfadooda iyo abaalmarinta ay helaan marka ay howlgab noqdaan.