Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntlaand Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababihii keenay in Puntland aysan ka qaybgelin saxiixa Qodobbada War-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka ee dhawaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho .
Waxaa uu isaga oo Faahfaahinayay sababta Puntland aysan uga qaybgelin saxiixa Qodobbada shirka, ayuu sheegay in maamulkiisa uu diiday laba qodob oo mid garsoor Madax bannaan ah iyo qodob kale oo ah Awoodaha Dowladda iyo Maamul goboleedyada oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Puntland iyo kan Federaalka ah.
Shirka madasha wadatashiga qaranka ayaa ahaa mid u dhexeyay dowladda federaalka Soomaaliya, maamul Goboleedyada iyo Goblka Banaadir, inkastoo Puntland aysan ka qaybgelin saxiixa war-murtiyeedkii laga soo saaaray shirkaasi.
Hase ahaate, Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqda Mid aan ku qanacsaneyn Qodobbada ka soo baxay shirkaasi ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Puntland oo ka hadlay sababta uu u diiday saxiixa war-murtiyeedkii shirkii...