Al-Shabaab oo sheegtay inay dib u qabsatay deegaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe

0
244

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay qabsatay deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ka dib markii ay saaka weerar ku qaadeen farriisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ee Somalimemo.
Afhayeenka dhanka howlgallada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta tuuladaasi ka dib dagaal xooggan oo halkaasi ka dhacay.
Abuu Muscab ayaa intaasi ku daray in tiro aan la cayimin oo ka tirsan ciidamada dowladda ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka.
Dhanka kale, warbaahinta dowladda ayaa tabisay in kooxda Al-Shabaab ay jab iyo khasaaro xooggan kala kulantay dagaalka ay saaka ay ku soo qaadday deegaanka Hilowle Gaab, iyada oo beenisay wararka sheegaya in gacan ku haynta tuulada lagala wareegay ciidamada dowladda.