Ciidamada Somaliland oo magaalada Laascaanood dagaal looga saaray

0
412

Ka dib dagaal xoogganaa oo xalay uu dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo xooggaga deegaanka ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa magaaladaasi laga saaray Ciidamada Somaliland.
Ciidamada Somaliland ee muddada dheer Maamulayay Magaalada Laascaanood ayaa isaga baxay, kuwaas oo ku sugan duleedka Magaalada, iyaga oo doonaya inay si awood ah dib ugu soo laabtaan magaaladaasi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalķii xalay ay ku dhinteen in ka badan Saddex Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ahaa labada dhinac ee dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xaalad deeganaan ah oo aan caga badan ku taagneyn ay ka jirto, iyada oo Goobaha Ganacsiga Magaalada ay weli xiran yihiin.