Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shacabka u xaqiijiyay in aan la kordhin doonin qiimaha korontada iyadoo xita dowladda dhexe bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ay meesha ka saartay miisaaniyad ay ku kaabi jirtay waaxda tamarta.
Ruto ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in qiimaha maciishadda uu sare u sii kici karo maadaama korontada la kordhinaya.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay ku dadaalayso sidii adeegga korontada looga dhigi lahaa mid ay qiimo ahaan kenyaanka awoodaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadda dib u eegis lagu sameynaya canshuuraha dhanka tamarta oo saddex bilood gudahooda dadweynaha arrintan lagala tashan doono.
Hadalkan ayuu ka jeediyay kaniisadda Siloam Ministry ee xaafadda Bamburi ismaamulka Mombasa.