DHAGEYSO:Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Puntland oo ka hadlay qalalaasaha Laascaanood

0
317

Xildhibaan Axmad Xariir oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Puntland islamarkaana laga soo doortay magaalada Lascaanood ee gobolka Sool ayaa shir jaraa’id ee uu ku qabtay caasimadda Garoowe ayuu si adag u cambareeyay xiisadda ka taagan magaaladaasi.
Waxaa uu wax laga xumaaday ku tilmaamay in xukumadda Muuse Biix ay xog ku muquunineyso shacabka reer Lascaanood oo ka gadooday dil loo gaystay mid ka mid ah waxgaradkii iyo haldoorkii magaaladaasi.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo ku eedeyay indowladdiisa ay Lascaanood keentay hub loogu talagalay in lagu xasuuqo shacabka magaaladaasi