Ciidamada Somaliland oo qaab dhagaxtuur ah looga saaray Lascaanood xilli ay dileen wiil dhallinyaro ah

0
607

Ciidamada jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay magaalada Laascaanood waxay ku dileen wiil dhalinyaro ah, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Jimcaale.
Wararka ayaa tilmaamaya in wiilkan dhallinyarada ah oo ka mid ahaa dadka maalmihii la soo dhaafay dibadbaxyada ka waday xarunta gobolka Sool ay toogasho ku dileen ciidanka Somaliland, isagoo noqonaya qofkii 3-aad ee toddobaadkan ciidamada ay halkaasi ku dileen.
Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa saaka ah mid degan, waxaana magaalada isaga cararay ciidankii Somaliland, iyagoo u dulqaadan waayay diidmada ay dadka kala hortageen ciidanka, iyagoo dhagax tuur kaga saaray magaalada.
Suuqyadii magaalada ayaa saaka ah kuwo xiran, iyadoo sawirran la soo qaaday ay muujinayaan goobihii ganacsiga ee magaalada oo xiran, waxaana maanta lagu wadaa inuu sii socdo dibadbaxa.
Dadka magaalada ayaa ka carooday dilalka haldoorka magaalada loo gaysanayo, waxaana mudaaharaadyada ay ka dhasheen nin ka mid ahaa xisbiga Waddani oo saddex habeen ka hor lagu dilay magaalada Laascaanood, kaas oo aan cidna loo soo qaban toogashadiisa.