Toban qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib markii uu dab xooggan qabsaday maqaaxi sidoo kale lagu cayaaro khamaarka oo ku taalla xadka waddamada Cambodia iyo Thailand.
Waxaa dhacdadan ku dhaawacmay 30 ruux oo kale.
Sida laga soo xigtay ciidamada booliiska ,dabka ayaa abaare 11:30 habeenimo ee saacadda dalkaasi qabsaday maqaaxida Grand Diamond City ee magaalada Poipet, galbeedka Cambodia.
Warbixinta horudhaca ee ciidamada ammaanka ayaa muujinaysa in ilaa 400 oo qof ay ka shaqeynayeen goobta.