Maxay tahay sababta maanta loo xiray waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Muqdisho?

0
273

Shacabka Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay xirnaanshaha waddooyinka qaar ee magaalada, maadaama maanta la qorsheynayo in caasimadda dalka Soomaaliya ay soo gaaraan wufuud Caalami ah.
Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho sida waddada Maka Al-mukarama, Wadnaha iyo waddooyin kale ayaa xiran saaka, kuwaasi oo la dhigay Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filaya inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale ay yimaadaan Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana Maanta la joojiyay duulimaadyadii rayidka ee ka duuli jiray iyo kuwii ka soo degi jiray Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.