Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku geeriyooday fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid, halkaas oo xaalad caafimaad loogu qaaday.
Marxuumka ayaa la sheegay in muddo ah uu u jiifay xannuun, kaas oo ugu dambeyntii xalay u geeriyooday.
Cabdinaasir Macallin Caydiid, waxa uu ahaa laxamiste iyo heesaa qaaday heeso dhowr ah oo aad loo jaceyl yahay oo ay ka mid ahaayeen Nabsi oo uu lahaa Xuseen Rooble (Xaa-Gujis) iyo kuwo kale oo ay qaarkood ka hadlayeen noloshiisa gaarka ahayd.
Waxaa uu sidoo kale ahaa fannaan kabanka iyo muusiga qaraaco.
Home Wararka Soomaaliya Fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa