Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.
War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.
Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka KG.
DFS waxay ku boorineysaa dhamaan qeybaha siyaasadda inay wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaashahooda. pic.twitter.com/yXYb1qGZP4
— Ministry of Information, Culture & Tourism (@MOISOMALIA) December 23, 2022