Wasiir hore Fargeeti oo sheegay in gurigiisa Baydhabo ay weerareen ciidanka dowadda iyo kuwa Koonfur Galbeed

0
404

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya Maxamad Aadan Fargeeti ayaa sheegay in waaberigii hore ee saaka ay weerar ku soo qaadeen Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, Ciidamada dowladda noocyadooda kala duwan iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiir Fargeeti ayaa waxaa uu ku yiri “Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhabo ku yaal weerar gardarro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliiska Federalka, NISA, Ciidanka Xoogga SNA iyo darawiishta KG, Welina dagaalka wuu socdaa.
Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankeeda goor sii horreysay sheegtay in Ciidamada Amniga oo roondo ku jira ay kooxo burcad ah jidkooyo u dhigteen, iyaga oo rabay in amniga Qalqal geliyaan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Baydhabo laga dareemayay xiisad dagaal oo u dhexeysay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwo la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo diidan muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen).