Howl wadeenada wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka qeybgalay Ololaha #Isxilqaan ee lagu dhisayo #Guriga_Hooyo_Baxsan xaaji Cali Ex Gurigii hooyooyinka.
Isku duwaha ololaha isxilqaan ee lagu dhisay goobo badan oo danta guud ah kuwo kale wali uu dhismahoodu Socdo Ismaaciil Macalin C/laahi ayaa ku amaanay shaqaalah iyo Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka Kaalintooda Barnaamijkaan Isxilqaan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin oo Dr Gureey loo yaqaano ayaa dhankiisa sheegay inay Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ka go’aan tahay dib u dhiska Goobaha danta guud ee Umadda Soomaaliyeed loogu adeegayo.