Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in ugu yaraan 1.2 milyan oo ah arday sanadkan u fadhiistay imtixaanka fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano (KPSEA) ay warbixinnada ku aaddan natiijadooda heli doonaan 16-ka bisha koowaad ee sanadka 2023.
Madaxa fulinta ee golaha qaran ee imtixaannada (KNEC) ,David Njeng’ere ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in arday kasta oo imtixaankan u fadhiistay uu natiijadiisa si shakhsi ah u heli doono maadaama lagu soo bandhigaya shabakadaha dugsiyada.
Madaxa KNEC waxaa uu tilmaamay in dugsi waliba lala wadaagin doono warbixin ku saabsan halka ay ardayda dhibaatooyin ku qabaan si loo wanaajiyo.
Mr Njeng’ere ayaa cadeeyay in natiijada imtixaanka KPSEA aan loo adeegsan doonin in ardayda uu ku biiro dugsiga sare balse ay noqonaysa keliya qiimeyn lagu ogaanaya aqoontiisa.
Marka laga soo tago warbixinnada gaarka ah ee ardayda iyo kuwa lala wadaagaya dugsiyada, golaha KNEC ayaa shaacin doono qiimeyn guud oo mid qaran ah.
Warbixintan ayaa khuburrada tacliinta fursad u siin doonto inay ogaadaan meelaha u baahan in dib loo eego ama la sii xoojiyo.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ,Nancy Macharia ayaa dhankeeda sheegtay in ka hor inta uunan billaaban sanad dugsiyeedka 2023-ka in la howlgelin doono 30,550 oo macallimiin cusub ah.
Waxay isugu jiri doonaan 9,000 oo ku shaqeynaya qaab joogto ah iyo 21,550 oo ah ardayda bartay culuunta macallinnimada ee hadda maraya tijaabada shaqo.
Macallimiintan ayaa loo shaqaaleysiin doonaa inay wax ka baraan fasallada hoose ee dugsiyada sare ee loo yaqaano Junior Secondary .
Nancy Macharia ayaa sheegtay in ila iyo hadda ay manhajka waxbarashada ee CBC u tababareen 60,000 oo ka mid ah macallimiinta dugsiyada sare.
Waxay ballanqaaday inay sare u qaadi doonaan aqoonta macallimiinta cusub ee la howlgelin doono si ay uga soo baxaan waajibaadkooda shaqo ee heerka tacliinta ee JSS.