Maxkamadda ugu sarreysa wadanka oo diiday in ay ka talo bixiso qorshaha BBI

0
648

Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ayaa sheegtay in aynan dhageysan doonin dacwad ay maxkamadda sare u gudbiyeen Prof. Kivutha Kibwana, ismaamullada Nandi , Kericho iyo ururo kale.
Dhinacyadan ayaa doonaya in maxkamadda ay soo saarto talo sharciyeed oo ku aaddan qorshaha BBI.
Garsoore Smokin Wanjala ayaa xusay in ay suurtagal tahay in maxkamadaha ay go’aamo kala duwan arrinkan ka soo saaraan taasoo jahawareer abuuri karto.
Waxyaabaha maxkamadda loo bandhigay waxaa ka mid ah in hannaanka BBI ee yimid ka dib heshiskii dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga uu sababi karo in dalka ay ka dhacdo afti dastuuri ah.
Ismaamullada Nandi iyo Kericho ayaa dhankooda doonaya in maxkamadda ay caddeyso in wakiillada golayaasha dowlad deegaannada ay isbeddel ku sameyn karaan hindise sharciyeed la hor dhigay ka hor inta aynan u sii gudbin baarlamaanka qaran.
Tirada guud ee kiisaska la xiriira geeddisocodka BBI ee maxkamadaha wadanka hor yaalla ayaa ah 11, toddobo ka mid ah ayaana la geeyay maxkamadda sare.