Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidmada Soomaalida ee ku sugan dalka Eritrea la billaabi doono inay dalkooda ku soo laabtaan bishan gudaheeda.
Waxaa uu sheegay in keenista ciidankaasi la dhameystiri doono bisha Koowaad ee sanadka 2023-ka.
Madaxdweynihii hore ee wadanka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilligii uu wadanka hoggaaminayay sheegay inay ciidankan tiro ahaan gaarayaan 5 kun oo askari.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sido kale ka hadlay joogitaanka Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya isagoona ooga mahadceliyay kalintooda nabad ilaalinta ee wadankaasi.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in ciidanka ATMIS ay Soomaaliya ka bixi doonaan ugu dambeyn bisha 12-aad ee sanadka 2024.