Waxaa uu muran ka dhex taagan yahay wadayaasha mootooyinka iyo dadka ku shaqeysta baskillada ee ismaamulka Busia.
Labada dhinac ayaa eedeymo isku jeedinaya waxayna sheegayaan in ilaa iyo hadda aysan ku heshiin qaabka loo qaybsanaya hal milyan oo shilin oo uu ugu deeqay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Shakhsiyaadka howlaha ganacsiga u adeegsado baskiliga ayaa wadayaasha mootooyinka ku eedeynaya in ay gacan bidixeynayaan
Guddoomiyaha ururka mootooleyda Busia Eric Magoha ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay