Wasiirkii hore ee Amniga Maamul goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Xildhibaan Senatar Fartaag iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan gaar ah ku yeeshay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiintan oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Gedo ayaa kulankooda waxaa ay kaga hadleen xaaladda amni ee Gobolkaasi, iyo sidii loo billaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa wadatashi dheer ka yeelanaya sidii Gobolka Gedo looga abaabuli lahaa Ciidamada macawiisleyda, si ay uga billaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab si lamid ah Gobollada kale ee dalka Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Xildhibaan Senatar Fartaag iyo mas’uuliyiinta kale oo Gobolka Gedo dhinaca Kenya ka soo galay ayaa imaanshahooda Gobolka xiisad ay ka dhalatay, wallow hadda la xalliyay.