Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamad Nuur Madoobe uu ku dhawaaqay in Fahad Yaasiin uu yahay Xildhibaan rasmi ah, ayna sharci ahayd doorashadii uu ku soo baxay kursiga Hope #086, balse Guddoomiyaha ayaa Warkaasi ka hadlay.
Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
BEENIN
Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si cad u beeninayaa Warqad been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah.
Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid calaa cidii Ka dambeysay falkaan, waxaana lala tiigsan doono sharciga.
Guddigii doorashooyinka heer Federaal ee ka shaqeynayay arrimihii doorashada kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ka dhigay doorashadii uu ku soo baxay Fahad Yaasiin ee loogu doortay Hope #086, taasi oo ka dhacday magaalada Beledweyn.
Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid calaa cidii Ka dambeysay falkaan, waxaana lala tiigsan doono sharciga. 2/2
— Golaha Shacabka BJFS (@Golaha_shac_JFS) December 16, 2022