Raila oo soo jeediyay in talada wadanka ay wareegto noqoto

0
1093

Madaxa xisbiga ODM ,Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku taageeray hadal uu dhawaan jeediyay oo ahaa in la joogo xilligii qowmiyad kale ay waddanka hoggaamin lahayd.
Raila oo warbaahinta kula hadlay xaafadda Karen ayaa xusay in qabashada hoggaanka dalka ay tahay arrin xasaasi ah sidaas awgeedna la doonayo in la tixgeliyo xuquuqda qowmiyadaha kala duwan ee ku nool Kenya.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo ka hadlaya dalalka hoggaankoodu laga dhigay wareegto ayaa tusaale u soo qaatay Switzerland.
Sidoo kale waxaa uu xusay in Maraykanka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa aynan hal gobol dhalasho ahaan ka soo wada jeedi karin.
Raila Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in hannaanka oo ay Kenya adeegsato uusan wax dhib ah lahayn balse uu horseeday in qowmiyad kasta ay dareento inay maamulka ugu sarreeya ee dowladda ka dhex muuqato.
Hadalka madaxweynaha ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay waxaana siyaasiyiinta dhaliilay ka mid ah ku xigeenkiisa William Ruto oo xusay in Kenyaanka ay ka daaleen in qabyaalad lagu qanciyo oo ay daneynayaan oo keliya qof xalliya caqabadaha nololeed ee ay wajahayaan.