Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo subaxnimadii hore ee saaka lala beegsaday gaari uu saarnaa Taliyihii Nabadsugidda ee NISA ee laanteeda Gobolka Gedo Cadiraxmaan Cabdullaahi Aadan oo loo yaqaanay Bakaal Kooke.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa Taliye Bakaal Kooke lagula eegtay inta u dhexeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.
Waxaa uu qaraxa haleelay gaari ciidan oo uu watay Taliyihii Nabadsugida ee Gobolkaas oo ku sii jeeday Doolow.
Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kale oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo saaray Askar Ciidan oo la socotay Bakaal Kooke, iyadoona weerarka ka dib uu dhacay dagaal dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka waxyeellada ka soo gaartay qaraxii dhacay uu ka mid yahay Taliyihii hore ee Nabadsugida magaalooyinka Beledxaawo iyo Dooloow C/llaahi Kiniini, kaasi oo dhaawacmay, kana mid ahaa dadkii la socday Bakaal Kooke.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyaga oo tilmaamamay in weerarka ay ku furteen hub.
Waxaa ay intaasi ku dareen in muddo ah ay ku raadjoogeen saraakiishan ay beegsadeen.
Si kastaba, marxuum Bakaal Kooke ka sokow inuu ahaa taliyihii NabadSugidda gobolka Gedo, waxa uu sidoo kale ahaa wakiilkii gobolka Gedo ee dowladdii Madaxweyne Farmaajo.