Xoghayaha joogtada ee wasaaradda caafimaadka ismaamulka Wajeer, Dr. Maxamad Kaahiye ayaa xaqiijiyay in dowlad deegaankaasi uu ka dilaacay cudurka daacuunka.
Waxaa uu sheegay in la diiwaangeliyay 29 kiis oo la xiriira xanuunkan.
Dr. Maxamad ayaa intaasi ku daray in 3 qof ay cudurka daacuunka ugu dhinteen deegaan baarlamaaneedka Koonfurta Wajeer.