DHAGEYSO:Doorasho ku celis ah oo ka socoto Bungoma

0
239

Dadweynaha ku nool ismaamulka Bungoma ee galbeedka wadanka ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ku celis ah.
Waxaa ay dooranayaan senatar ku matalo aqalka sare ka dib markii guddoomiyaha baarlamaanka ,Moses Wetangula oo xilkan hayay uu is casilay.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay in codeynta oo billaabatay 6-dii aroornimo ee maanta ay si habsami leh u socoto.
Goobaha codbixinta ayaa furnaan doono ilaa 5-ta galabnimo.
Guddoomiyaha baarlamaanka ,Moses Wetangula ayaa shacabka Bungoma ugu baaqay inay si nabad ah codkooda ku dhiibtaan.
Sidoo kale waxaa uu ku taliyay in dadweynaha ay si buuxda ugu soo baxaan codeynta.
Wetangula ayaa sheegay in xaqa uu qofka codbixiyaha u leeyahay inuu dhaliilo mas’uulka uu doortay uu la mid yahay waajibaadka ka saaran ka qayb qaadashada doorashada.

Xilka senatarnimo ee Bungoma ayaa waxaa u tartamaya ilaa 11 musharrax waxaana ka mid ah Wafula Wamunyinyi oo matalaya isbeheysiga Azimio la Umoja, xildhibaankii hore ee deegaanka Bumula Mwambu Mabonga oo ka tirsan xisbiga UDA iyo Wafula Wakoli oo matalaya xisbiga Ford- Kenya.
Sidoo kale waxay doorashooyin ku celis ah maanta ka dhacayaan 5 ka mid ah deegaannada hoose ee ismaamullada dalka sida Ololmasani, Kyome/Thaana, Utawala, Waqooyiga Mumias iyo Koonfurta Gem .
Waxaa ay deegaannadan ku kala yaallaan Narok, Kitui, Nairobi ,Kakamega iyo Siaya .