Maanta ayaaa Soomaaliya waxay Bilowday Talaalka Cudurka Covid 19 ,dadka ugu horeeya ee Talaalka Maanta qaatay ayana kala ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,Wasiirka Caafimaadka Fowsia Abiikar Nuur iyo DR Maxamed Fujje oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta qaatay Tallaalka Cudurka COVID-19 ee Soomaaliya la gaarsiiyay Shalay,wuxuuna adkeeyey masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ka saaran samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkooda.
Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan inay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkaan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududeysanayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka bulshada.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Caafimaad, dhakhaatiirta Soomaaliyeed, kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka Soomaaliyeed dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.
Madaxweynaha oo ku ammaanay Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaalka ay ku bixisay in tallaalka Cudurka COVID-19 uu soo gaaro Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Maamul Goboleed, taasoo aasaas u ah daadejinta adeegyada cafimaad ee lagu wajahayo cudurkan safmarka ah.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda dowlada Fedraalka Soomaaliya Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa maanta qaadatay Tallaalka COVID-19 kaasoo dad badan laga talaali doono Maalmaha Soo socda sida ay dowladu sheegtay.
Munaasabad lagu daah furayay tallaalka Cudurka COVID-19 ee shalay Muqdisho la geeyay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo howl-wadeenada Caafimaadka ee Safka hore uga jira la tacaalida Cudurka.
Maanta oo Soomaaliya laga bilaabay Tallaalka Covid 19 ayaa sidoo kale waxay ku beegan tahay Sanad guuradII Koobaad ee markii gudaha dalka Soomaaliya laga diiwaangaliyay qofkii ugu horeeyay ee uu Haleelay Cudurka Covid 19,16 bishii March ee Sanadkii 2020-kii.