Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta safar maalmo kooban qaadan doona ugu baxay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Waxaa Safarkiisa ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Keyd iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.
Safarkan uu Maanta dalka Jabuuti ugu ambabaxay Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalkaasi Jabuuti.
Warar aan la xaqiijin oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ay ku kulmi doonaan dalka Jabuuti, si loo amba qaado wada-hadalladii labada dhinac.