Kenya oo isaga baxday dacwadii badda ee kala dhaxeysay Soomaaliya

0
967

Qaar ka mid ah warbaahinada dalka ayaa maanta daabacay in gebi ahaanba wakilladii matalayay dowladda Kenya ay maxkamadda ICJ uga qayb geli lahaa berrito dhageysiga dacwadda badda ay isaga baxeen.
Waxaa sidatan ku warramaya wargeysyada Daily Nation iyo The Standard ee ka soo baxa gudaha dalka.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo lagu wada dhageysiga dacwadda badda ee u dowladaha Kenya iyo Soomaaliya uu berri ka bilowdo maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ee dalka Netherlands.
Waxaa ay wargeysyada ku warramayaan in ay arkeen dokumenti muujinayo in Kenya ay go’aansatay in aysan ka qayb geli doonin kiiska islamarkaana maxkamadda aysan wax dan ah ka laheyn codsigooda ahaa in dib loo dhigo kiiska badda cudurka Covid-19 awgii.
Wargeyska The Standard ee kasoo baxa gudaha dalka oo soo xiganayo ilo wareedyo ayaa ku warramaya in Kenya la filayo inay gudbiso ogeysiis ah inaysan ka qeyb galeynin dhageysiga dacwadda badda.
Waxaa uu intaa ku daray in qareenada ay berri maxkamadda ka codsan doonaa inay siiso 30 daqiiqo si ay sharraxaad uga bixiyaan sababta aysan uga qayb galeynin dhageysiga kiiska.