Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmad Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa gaaray Deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo ka mid ah deegaannada laga saaray Al-Shabaab.
Waxaa ay socdaal ku soo mareen waddooyinka soo gala Deegaanka iyo kuwa ka baxa, waxaana Shacabka Deegaanka ay u muujiyeen soo dhaweyn iyo sida ugu faraxsan yihiin in mas’uulyiinta soo gaaraan Deegaankan Biya-Cadde
Mas’uulyiinta ayaa kulan dhiiragelin ah la qaatay Ciidamada dib u xoreynta Deegaanka ee Macaawiisley oo u diyaarsan inay iska difaacaan weerarrada Al-Shabaab, deegaana badana ka saaraan.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in Deegaankan Al-Shabaab dib u dhigeen balse hadda ay iska xoreeyeen, islamarkaana laga hirgelin doono adeegyada Aas-Aasiga ee Bulshada.