Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar ay ku hor istaageysa in dowladda dhexe ay ku dhaqaaqdo qorsho wadanka lagu soo gelinaya galleyda casriga ee GMO.
Waxaa amarkan bixiyay garsoore Mugure Thande.
Xaakinka ayaa sidoo kale mamnuucay in cid kale ay si dadban ama toos ah dibadda Kenya uga keento dalagga lagu soo saaro qaabka casriga ee loo yaqaano GMO.
Amarka maxkamadda ayaa yimid ka dib dacwad ay gudbiyeen beeraleyda dalka.
Kooxda matalaysa beeraleyda ayaa maxkamadda u sheegtay in dowladda ay si aan nidaam ahayn meesha uga saartay xeer sanadkii 2012-kii lagu mamnuucay cuntooyinka GMO.