DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo digniin adag ka soo saaray hubka sharci darrada ah

0
261

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay si wayn ula dagaallami doonto isticmaalka hubka sharci darrada ah.
Waxaa uu xusay inay qasab tahay in la soo afjaro isku dhacyada laga soo tabiyo deegaannada xoolo dhaqatada ee loo yaqaano ASALs.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa wacad ku maray in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono kooxaha haysta hubka aan sharciyeysnayn.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in la doonayo in laga gudbo dhaca xoolaha , burcadnimada , dagaal beeleedyada iyo siyaabaha kale ee wax u dhimaya xasiloonida wadanka.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi uu ka furay shirka siyaasiyiinta ka soo jeedo ismaamullada xoolo dhaqatada .
Waxaa uu madaxda siyaasadeed ka codsaday inay kaalin wayn ka qaataan xaqiijinta nabadgalyada waqooyiga dalka.
Ruto ayaa sheegay in haddii deegaannada oomanaha ah ay xasilooni buuxda ka jirto in lagu tallaabsan karo horumar wax ku ool ah.
Sidoo kale waxaa uu xaqiijiyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay dhaqangelinta sanduuqa deegaannada wadanka la iskula simaya dhinaca horumarka ee Equalisation Fund.
William Ruto ayaa sheegay in la joogo xilligii bulshada xoolo dhaqatada ah ay ka gudbi lahayd nidaamka qabiilka ku saleysan ee lagu soo doorto madaxda oo xoogga la saari lahaa hiigsiga ,kartida iyo qorshaha horumarineed ee qofka xil doonka ah.
Senatarka ismaamulka Isiolo Faadumo Duullo ayaa madaxweynaha la wadaagtay caqabado ay doonayaan in dowladda ay wax ka qabato sida biyaha iyo amni darrada.