DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xaalad halis ah ay wadanka ka jirto

0
843

Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka dowladda Fedraalka Soomaaliya Khadiijo Maxamad Diiriye ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya ay ka jirto xaalad Bani’aadanimo oo aad halis u ah.
Wasiirro dhowr ah oo ka Tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay ka soo saareen Baaq Wada Jir ah oo ku Wajahan Abaaraha Hadda Saamaynta Weyn ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo Xaaladda bina’aadanimo ee ka dhalatay.
Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ayaa sheegtay in Xaalad Halis ah ee dalka ka jirta ay sababtay Roobabkii oo aan Xliligooda ku da’in waxayna Tilmaamtay in ilaa Bishii hore ay dalka ku korortay Xaaladaha Covid 19.

Wasiirka wasaaradda Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhankiisa sheegay in laga soo jawaabay farriimo ku aadan Xaaladda Cunto yarida iyo biyo la’aanta dalka Soomaaliya ka jirta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa isna sheegay in Hay’ado badan ay ka sooo wajaabeen isagoo Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaadataan gurmadka abaaraha iyo la tacaalida Cudurka Karoonaha.