Guddoomiyaha ismaamulka Meru ,Kawira Mwangaza ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay iska difaacdo eedeymo ay u jeediyeen wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha loo gudbiyay mooshin la doonayo in xilka looga qaado Kawira oo lagu eedeyay ku takriifalka awoodeeda xafiiseed.
Waxyaabaha loo haysto waxaa ka mid ah inay shaqaaleysiisay xubno ka mid ah qoyskeeda.
Sidoo kale barasaabka ayaa lagu dhaliilay in si aan habboonayn ay magacaabid u sameysay.
Wakiillada ayaa Kawira ku eedeynaya inay sidoo kale ula macaamisho qaab xaqiraad laga dheehan karo.
Hasa ahaate waxay iska fogeysay dhammaan eedeymahan oo ay ku tilmaantay kuwo siyaasadeysan.
Dadweynaha Meru ayaa hadda fursad u haysta inay gudbiyaan aragtidooda ku aadadn xilka qaadista barasaabka balse waxay ku adkeysanaysa in aynan qalad sameyn oo xaqiiqada la ogaan doono.