Waxaa lagu soo warramayaa in abaare 3-dii habeennimo ee xalay uu suuqa Gikomba ee ismaamulka Nairobi qabsaday dab waxyeello gaystay.
Waxay sheegayaan in dabka ay ku burburtay hanti uu qiimaheedu yahay malaayiin shilin iyadoo dhibaatadan ay saameysay ilaa 3,000 oo ganacsato ah.
Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Gikomba oo dowladda baaq u diray ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.