Dowladda oo mamnuucday in dibadda loo dhoofiyo geedka Yaaqa

0
404

Wasiiradda wasaaradda deegaanka iyo keymaha Soipan Tuya ayaa sheegtay in la mamnuucay in dibadda wadanka loo iibgeeyo geedka ay soomaalidu u taqaano Yaaqa.
Waxay sheegtay in xayiraaddan ay jireyso inta ay heshiis ka wada gaarayaan dhinacyada uu ganacsigan dhex maraya oo laga caddeynaya qaabka looga wada faa’iidaya.
Shir jaraaid oo ay qabatay ayay arrintan ka sheegtay.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay wada tashi la sameysay wasiirka waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud Kipchumba Murkomen.
Labada wasiir ayaa xusay inay isku afgarteen in waxyaabaha laga soo saaro geedkan aan loo dhoofin karin qurbaha.
Geedkan ayaa lagu tilmaamaa in laga helo waxyaabo nafaqo ah halka dadka qaarna ay u adeegsdaan la tacaalidda duumada iyo xummada.
Go’aanka ay qaateen ayay ku saleyeen in shirkad qandaraas la saxiixatay bulshooyinka ismaamulka Kilifi oo uu geedkan ka baxo in aynan haysan oggolaansho dhameystiran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here