Ra’iisul wasaraaha Singapore oo sheegay in ay xuduudaha furayaan dhammaadka sanadkan

0
556

Ra’iisul wasaaraha wadanka Singapore Lee Hsien Loong oo wareysi siiyay warbaahinta BBC-da ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in dhammaadka sanadkan la furo xuduudaha ee dalkaas la wadaago wadamada dariska la ah.
Waxaa uu arrinkan ku saleeyay in marka la gaaro bisha 12-aad ee sanadkan wadamo badan ay tallaalka COVID-19 siiyeen tiro badan oo ka mid ah muwaadiniintooda.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii xoojinayaan tallaabooyin iyo amarro ay soo saareen oo lagula dagaallamaya cudurka.
Waxaa tallaabooyinkan ka mid ah in wadankaas laga mamnuucay safarrada raaxada.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ku dhawaad 6 milyan oo ka mid ah shacabka Singapore la siiyay tallaalka ka dhanka ah coronavirus.