Xoghayaha magacaaban ee arrimaha dibadda oo ballanqaad sameeyay

0
326

Abraham Korir Sing’oei oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay inuu noqdo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ballanqaaday in haddii xilkan loo ansixiyo uu yareyn doono qarashaadka dowladda uga baxo safarrada dibadda.
Tallaabadan ayuu sheegay inay yareyn doonto dhaqaalaha ay dowladdu adeegsato.
Waxaa uu xusay inuu ku dadaali doono in sida habboon loo isticmaalo oo aan lagu takriifalin miisaaniyadda loo qoondeeyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka.
Korir ayaa ballanqaaday inuu xaqiijin doono in saraakiisha dowladda aynan qurbaha ku tagin safar laga maarmi karo.