DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa oo loogu baaqay inuu soo dhiso golihiisa wasiirrada

0
197

Qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga ee ismaamulka Mombasa ayaa baaq u diray guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Cabdulswamad Shariif Naasir.
Waxay doonayaan inuu si degdeg ah u soo magacaabo xubnaha golihiisa wasiirrada.
Sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen in shaqaale been abuur ah ay muddo mushaaraad qaadanaayen.

Barasaabka ayaa dhankiisa sheegay inuu doonaya in xilalka wasiirrada uu u soo magacaabo shakhsiyaad u qalmo qabashada jagooyinkan.