Sida ay tabiyeen warbaahinada gudaha dalka Somalia Waxaa Saaka xiran inta badan Waddooyinka Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Ciidanka Ammaanka ayaa diiday in Waddooyinka ay maraan wax gaadiid ah.
Meelo ka mid ah degmooyinka Muqdisho Saaka waxaa ka taagan xanibnaan iyadoo ay tahay maalin Sabti ah oo inta badan Shacabka ay leeyihiin Shaqooyin.
Ciidamada Amaanka oo wata Gaadiid Dagaal ayaa jooga Wadooyinka Caasimadda.
Lama oga ujeedka loo xiray Waddooyinka Magaalada ,iyadoo Saaka lagu waa bariistay Xirnaanshahooda.