Guddiga maamulka cadaaladda oo ku baaqay inay heshiiyaan duuliyeyaasha iyo KQ

0
375

Guddiga qaabilsan maamulka dhanka cadaaladda ayaa shirkadda duullimaadyada dalka ee Kenya Airways iyo ururka duuliyeyaasha ee KALPA ugu baaqay inay xalliyaan muranka u dhexeya.
Waxaa uu guddigu ku talinaya inay labada dhinac raadiyaan qaab ay meesha uga saari karaan caqabadda dhinaca gaadiidka hawada sare ee wadanka ka jirta afar maalmood.
Baaqan waxaa soo saartay guddoomiyaha guddigan Florence Kajuju.
Waxay nasiib darro ku tilmaantay in shaqo joojinta duuliyeyaasha ee aan ilaa iyo hadda laga heshiin ay sababtay in la joojiyo ama dib loo dhigo duullimaadyo qorsheysnaa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shirkadda Kenya Airways ay sheegtay in shaqo joojinta ay saameysay in ka badan 12,000 oo rakaab ah.